21 Qof oo hal maalin dil toogasho lagu fuliyey deegaano ka tirsan Puntland

Wararka ka imanaya Maamul  goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in 21  qof  oo dhammaantood rag ah saaka lagu fuliyay dil toogasho ah magaalooyinka Gaalkacyo,Garowe iyo Qardho.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu toogtay 18 xubnood oo lagu helay dambi ah inay ka tirsanaayeen Alshabaab ayna dad badan dileen.

Sidoo kale, magaalada Garoowe waxa saaka lagu toogtay laba ruux oo lagu helay dambi ah inayka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka nin kale lagu toogtay magaalada Qardho.

Waa markii ugu horeysay ee dalka Soomaaliya lagu fuliyo hal maalin oo kaliya dil toogasho ah 21 qof.