Wararka aynu ka heleyno xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka ayaa sheegayo weerar xoogan oo xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah magaalada.
Weerarka uu ku bilowday madaafiic lagu garaacday saldhiggaasi, kadibna uu xigay dagaal toos ah waxuuna socday muddo saacado ah ka oo ey ka dhasheen khasaare kala duwan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.
Xaaladda ayaa haatan degan, balse ciidanka AMISOM ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen deegaanka Buufow Bacaad oo ka tirsan magaalada Marka ee caasimada gobolka Shabeelaha ee koonfurta Soomaaliya.
Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weerarado gaadma ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolkaasi.