Manta oo lugu wado in la Qisaaso Raggii kufsiga & dilka u geystay Caasho

Sida ay horay u shaacisay Puntland waxaa 11-ka bishaan February oo manta ku beegan la toogan doonaa seddexda xukmane ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay, marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay gudbisay galka fulinta xukunka, si loo qisaaso saddexda xukmane, kuwaas oo kala ah:-

  • Cabdishakuur Maxamed Dige
  • Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame
  • Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame

Raggan ayaa 12-May-2019-kii waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe, iyadoona xukunkaasi 30-kii June ay ku raacday mida Rafcaanka.

Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi.