Fadlan SooCeli lacagta aad ka dhacdeen dadka Beledweyne -Xildhibaan Odowaa oo Qoraalkii ugu adkaa u diray Farmaajo

Fadlan SooCeli

Madaxweyne CBB kursiga kuguma hayn karaan.
Waxaa maalmahaan soo caddaaneysa in lagaaga adkaanayo loollanka baraha bulshada, oo aad ku bixisay malaayiin doollar si laguu libaaxeeyo, dadka kaa aragti duwanna loo sumcad dhaamo.

Haddaba, maadaama aad ku fashilintay hoggaaminta dalka, waxba ha isku mashquulin inaad muddo kororsi raadsato, ee fadlan #SooCeli karaamada dalka:

  1. Fadlan #SooCeli lacagta aad ka dhacdeen dadka Beledweyne. Wali qeybtii China ayaa idinku maqan.
  2. Fadlan #SooCeli ciidanka qaranka ee aad Gedo u dirtay si aad u naafeyso maamulka Jubbaland, una huriso colaad beeleed.
  3. Fadlan #SooCeli karaamada mujaahid Qalbi Dhagax, raalli galinna ka bixi cadow u dhiibiddii aad ku sameysay, ONLF na ka saar liiska argagixisada.
  4. Fadlan #SooCeli haybaddii Baarlamanka Federaalka oo aad afduubtay markii aad si sharci darro ah ku ridday Guddoomiye Jawaari.
  5. Fadlan #SooCeli wadashaqeyntii wanaagsaneyd ee ka dhaxeysay Dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.
  6. Fadlan #SooCeli canshuurta dadka Muqdisho, ugu dhis waddooyinka burbursan ee roobabku qaadeen.
  7. Fadlan #SooCeli furnaanshaha waddooyinka Xamar oo aad xiratay 3 sano kahor, si aad u cabburiso dadka Xamar.
  8. Fadlan #SooCeli xorriyadda saxaafadda ee aad qaarna iibsatay, inta kalena cabburineyso.
  9. Fadlan #SooCeli xorriyadda muwaadinka iyo dhaqdhaqaaqiisa oo aad xannibtay.
  10. Fadlan #dibuceli ciidanka Itoobiya ee aad dalka ku baahisay oo haatan soo ridaya dayuuradaha gargaarka.
  11. Fadlan #SooCeli wiilasha aad u dirtay Eritrea ee aad usoo tababareyso in Soomaaliya ay dalkaas oo kale ka dhigaan. (Dictatorship).
  12. Fadlan #SooCeli wadahadalkii mira dhalka ahaa ee lagula jiray Somaliland, kana jooji colaadda aad ka hurineyso dhulkaas nabadda ah.
  13. Ugu dambeyn, fadlan #SooCeli neefsiiyihii (ventilator) aad ka qaadatay Martini Hospital adigoo naftaada ku ilaalinaya.

Intaas haddii aad sameyso, waxaad leedahay rajo aae ku gaarto doorashada. Haddii kalena, 7 bilood ee kuu hartay ayaa nagu badan.
FG: Muwaadin waxaad ku dari kartaa wixii kale oo ay kula tahay in uu soo celiyo Farmaajo inta uusan xilka wareejin dhawaan.