2 Arimood isaga egyihiin Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre

1# Caburin Dadka ka Aragti Duwan

Caburin

Dowladdii kacaanka u hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre waxee ahayd dowladdii ugu awoodda badneyd ee soo marta Soomaaliya, waxay jiray dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadihii ay ku dhaqmi jirtay, iyo sida ay wax u wadeen, kuwaas oo lagu tilmaami jiray magacyo lugu yeero dadka ka aragti duwan sida kacaan diid, daba dhilif iyo dib u socod.
waxaana dadka ugu cadcadaa ee ka soo horjeeday ka mid ahaa Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf oo labaduba la soo shaqeeyay Siyaad Barre.

Dowladdii kacaanka ayaa dadka ka soo horjeeda ku shaabadeyn jirtay dad ka adeego shisheeye kana soo horjedaan danaha Qaranka.

Cabdullaahi Yuusuf oo markii dambe Soomaaliya Madaxweyne ka noqday ayaa waxaa xiray Dowladdii kacaanka, isagoona loo arkayay nin ka soo horjeeda nidaamkii jiray, balse haatan oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay dadka qaar ay ka daremeen isla qaabkii ay dowladda kacaanka ula dhaqmi jirtay mucaaradkeeda.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo siyaasad ahaan ka fikir duwan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fikirkiisa loo weerarya,waxaana lugu wareeray howgiisa u ka dagnaa magaalada Moqdhisho waxaana lugu layay wararkas ilaaladiisa lugu layay , Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa loo dhadhiciyay xabsi .

2# Dagaal lala kalo wadamada Soomaaliya Dariska la ah.

Dagaal u dhaxeeya Ciidama Somaaliya iyo kuwa Ethiopia sandkii 1977

Dagaalkii ithoopia 1977 : Sanadii Markuu ahaa 1977 dagaal lugu hoobtay oo dhaxmary Ethopia iyo Somaaliya Dagaalkii 77 ee Soomaalidu u taqaanno Dagaalkii Soomaali Galbeed, balse reer galbeedka iyo Itoobiya u yaqaannaan Dagaalkii Ogaadeenya (Ogaden War), wuxuu ka mid yahay dagaalladii ugu cakirnaa ee Qaaradda Afrika ka dhacay xilligii Dagaalkii Qaboobaa (Cold War).Itoobiyana waxay saaxib la tahay oo ay taageero ka heshaa dalka Mareykanka iyo reer galbeedka sababtuna ee tahay in Itoobiya ee tahay wadan kariishtan ah .

Soomaaliya dagaalkas waxaa ka soo garay jab aad u weyn masulyada ugu weyn u lahaa Kaliyii taliye Maxamed Siyaad Barre sababta ugu weyn ee tahay dalka xiligaas diyaar uma eheen in dagaal u kalo waxaa jirtay siyaasad xumo waliba tan arimaha dibada ah Siyaad Barre waxuu ilaqaadka u jiray  Midowgii Sofiyeet oo ahaa quwada ka danbeysay in somaaliya yeelato Ciidanka Afrika ugu awooda badan ,halka ithoopia ee la timid siyaasad hufan waxeeyna tageero ka heshay waliba la soo saftay dalalka waxaa ka yihiin Cuba, Kuuyiyada Waqooyi, Yemen, Bariga Jarmalka iyo waddama kale halka uu dalka Cuba oo keli ah uu dagaalka ka howl geliyey 16,000 oo askari.

Dagaalki 1977-kii markuu dhammaaday oo ay ciidamada Soomaaliya dib ugu noqdeen halki ay ka yimaaddeen Itoobiyana waxay dib u qabsatay deegaanka Soomaalida iyada oo ciidamada dalka Itoobiya xilligaasi tacaddiyo badan ay u geysteen shacabka deegaanka Soomaalida.

30 Sano kadib xiisad ka tagan xadka Soomaaliya iyo Kenya .

Tariikhada markii eheed November 2020  Soomaliya ayaa dib ugu yeeratay safiirkii ka fadhiyay Nairobi, waxayna dalkeeda ka ceyrisa danjirihii Kenya ee Muqdisho, waxayna Kenya ku eedeeysay in ay faragalin ku hayso doorashada Somaliya ee 2020/21.

Dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday go’aan ahaa in ay xiriirkii diblamasiyadeed gabi ahaanba u jartay Kenya,Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo u dabuleyshay xadka labada dal iyadoo laga cabdi qabo in halkaas u dagaal ku dhaxmaro ciidamada Somaaliya iyo ciidama Kenya oo xadka labda dal ku wada sugan.

Farmaajo Ayaa hada u muuqdo mid u dhaqma sidii Siyaad Barre lakiin usan wax cahsar ah ka baran wixii dhibaatooyin ah ee horay u dhacay.