Qarax ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday Goob Maqaayad ah oo qasaare ka dhashay

Moqdisho:Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maqribtii caawa ka dhacay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir. 

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow Saldhigga Booliska degmada Shingaani iyo Wasaaradda Gaadiidka.

Waxaa lugu soo waramayaa in qarax ku dhinteen ilaa 6 qof, ayna ku dhaawacmeen 11 kale, waxaana socda gurmadka loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.