Cali Guudlaawe oo ku fishilmay hogaaminta Hiirshabeelle

Tan iyi intii la doortay Madaxwynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa aan waxba ka qabnin dhibaatooyinka ka taagan gobolka ee ugu weynyhiin dhinaca amniga .

Dhacdooyinka ugu weynaa ee ka dhacay Gobolka oo Cali Guudlaawe ku fishilmay in wax u ka qabto


Waxaa xusid mudan in Balcad iyo Jowhar inta u dhaxeysa lagu dilay 40 qof todobaad gudihiis inta uu Xamar joogo maalinna kama hadlin Guudlaawe.

Beladweyne dagaal socday dhowr maalmood waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof, tiro kale ayaa ku dhaawacmay waxaana ka dhashay barakac xoog leh, Cali Guudlaawe kama hadlin maamulkana sidoo kale.

Degmada Raage-ceelle dhawaan waxaa lagu dilay nabadoonka degmada Cali Guudlaawe iyo HirShabeelle kama aysan tacsiyeeynin mana ka hadlin.

Jowhar waxaa ku fatahay wabiga Shabeelle waxaana ka dhashay khasaaro xoog leh, dad badan ayaa ku hanti beelay oo banaanka jiifa waxaana ku da’aya roob xoog leh, Cali Guudlaawe iyo HirShabeelle-ba cidna kama hadlin mana u gurman.

Hadda, ciidamadii Muqdisho waa laga saaray, siyaasaddii kacsaneed waa degtay. Mallaga yaabaa in Cali Guudlaawe 60 maalmood kadib ku laabto Jowhar dadkiisana dhibka la soo qeybsado, mise ilaa 20-ka bisha waxa uu iska jiifi doonaa hoteelka uu ka daganyahay Muqdisho isagoo wax shaqo heynin maadaama shirarka arrimaha doorashada bilaaban doonaan 20-ka bishaan lagana yaabo in maalmo dheer qaataan?

HimiloTV isha Wararka