Farmaajo iyo wejigii 2aad ee muddo kororsiga

farmaajo iyo mursal

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ayaa aruursanayaa Ciidanka, iyadoo dalka Eritrea ka keensanaya askar tababarka loo qaadey labo sano kahor.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Farmaajo uu adeegsanayo Mursal, kaasoo khudbadii uu ka jeediyay munaasabadii xuska 78aad ee Booliska ku sheegay in hay’adaha dastuuriga dalka ay sidoodii usii shaqeyn doonaan mar hadii doorashadda waqtigii loogu tala-galay lagu qaban waayay.

Mursal oo ku lug lahaa wax kasta oo sharci-darro ah oo Farmaajo sameynayay, ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadii mudada heshiiskii doorashadda Sep 17 dhamaado dalka uu kasoo shaqeyn doono Baarlamaankii hore, maadaama mid cusub lasoo dooran waayay sanadkan, oo illaa hadda 24 Xildhibaan oo Gollaha Shacab ah la doortay 55 maalin.

Wixii sheegay Mursal in qodobka lambar 30 ee heshiiskii Sep 17 la adeegsan doono, kaasoo dhigaya in Baarlamaankii hore sii shaqeyn doono illaa mid cusub laga soo doorto.

Farmaajo ayaa ah shaqsi looga bartay inuu dad kale kasoo dhex hadlo oo usoo mariyo fariintiisa

Sidaa waxaa yiri : C/raxmaan Cabdishakuur

Mursal ayaa damacsan inuu Gollaha Shacabka dib u furo, oo lagu eedeeyo Rooble inuu ku fashilmay doorashadda inuu ku qabto mudadii loo asteeyay, sidaasi uu Farmaajo ku sameeyo wajiga labaad ee inqilaabka xukunka dalka, sida uu sheegay C/raxmaan Cabdishakuur.

HimiloTV isha wararka