Khasaare nafeed oo ka dhashay weerar lala begsaday Hotel SYL oo sii kordhaya

Moqdisho: Wararka aynu ka haleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in khasaaraha ka dhashay weerarka lugu qaday Hotel SYL ilaa iyo hada la xaqiijiyey Shan qof oo dhimasho ah labo ka mid ah ey yihiin dableyda weerarka soo qaday .

Wali rasaas aad u xogan ayaa laga maqlayaa gudah hotelka iyadoo dableyda weerarka ku qaaday ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa shan kuwaas oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro.

Weerarka ayaa ku soo beegmay xilli hoteelka ay ka socotay bandhig buug oo ay ka qeybgalayeen qeybo Bulshada ka mid ah iyo mas’uuliyiin,waxaa kalo hoteelka xilligaa ku sugnaa Xildhibaanno iyo Odayaal dhaqameed.