Al-Shabaab oo dad ku dishay gudaha Kenya

kooxda Al-Shabaab ayaa weerareey gaari rakaab ah oo kusii jeeday magaalada Mandhera, xilli uu marayey inta u dhaxeysa deeganaada Kutulo iyo Wargadud ee Wajeer.

Qoraal lagu baahiyey idaacadda ku hadasha magaca kooxda Al-shabaab ayaa lagu yiri in “kadib baaritaanno lagu sameeyey dadkii saarnaa gaariga ay u kala qeybiyeen muslimiin iyo gaalo kadib la dilay 10 qof oo la xaqiijiyey inay gaalo ahaayeen.”

Stephen Ng’etich oo ah taliyaha booliska Wajeer ayaa wargeyska Daily Nation u xaqiijiyey weerarkan, hase yeeshee ma uusan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Ma ahan markii ugu horeysay ey Al-Shabab ka fuliyaan weerar ee ku beegsanayaan dadka socotada ah ee kudaha dalka kenya .