Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaanka Tooratoorow

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda danab saacadihii la soo dhaafay ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow oo ay shalay kula wareegeen si nabdoon.

Warar dheer ah oo ka soo baxaayo deegaanka Tooratoorow ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku adkeyanyaan difaaca deegaanka.

Al-Shabaab ayaa Tooratoorow u aheyd deegaan istiraatiiji ah oo ay ku yaallaan Maxkamad iyo goob ay ku qaadaan lacagaha canshuuraha iyo zakawaatka loo yaqaano.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Ciidamada dowlada ee degaan Al-shabaab ka qabsadaan hadana dib ugu baxaan.