Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaallka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe waxay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu u basaasayay Sirdoonka Mareykanka.
Ninkan oo lagu magacaabo Yaasiin Maxamuud Cumar ayaa la sheegay inuu Maxkamadda ka hor qirtay in Sarkaal Mareykan ah oo jooga Xalane inuu u soo diray xogta iyo lambarada xubnaha sarsare ee Al-Shabaabka ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale Yaasiin ayaa la sheegay in Sarkaal ka tirsan Sirdoonka dowladda Federaalka inuu ku xiray Sarkaal Mareykan oo ka tirsan CIA-da kaasoo jooga Xarunta Xalane.
Ma jirto cid xaqiijin karta in Yaasiin uu galay dambiyada lagu eedeeyey iyo qirashada Al-Shabaabka ay sheegeen inuu sameeyey.
Falkaan ayaa ah kii u horeeyay oo nin lagu eedeeyay fal basaasnimo ah lagu fuliyo deegaan ka tirsna Shabeellaha Dhexe .
Al-Shabaab ayaa waqtiyo kala duwan dil ku fulisay rag ay ku eedeysay inay jaajuus u yihiin Dowladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeyeye, inkastoo aan dadka loosoo bandhigin qaabka ay u dhacdo maxkamadeynta.