Kooxda Al-Shabaab ay caawa weerar culus kusoo qaadeen xerada ciidamada xoogga dalka ee Hiilweyne ee ku taal degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa ilaa had la ogyahay ineey ku dhinteen shan qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba haween ah, iyo kabtan ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Sida wararku sheegayaan Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray xerada, waxaana wararka qaar sheegayaan inay gudaha u galeen waxaana labada dhinca ee isku adeegsadeen hubka culus.
Maamulka Dagmada Balcad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Farmaajo iyo dowladdiisa ee dayaceen gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Balcad iyo deegaanada ku dhow oo Kooxda Al-Shabaabka ay aad ugu xooggan yihiin.