Alah unaxariistee Reysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku Geeriyooday Wadanka Turkiga.(Taarikha Nololeedkisa oo Koban)

Xassan Abshir Faarax Waxa uu ku Dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1943 kii.

Waxa uuna ku barbaray magaalada Muqdisho halkaasi uu Wax ku bartay ilaa Heerka Dugsiga Sare

Xasan Abshir Faarax yaraantiisa waxa uu ahaa Daroowal Talent u leh Wadista Gawaarida .

1963 isagoo Da’yar ayuu ku biiray Tartankii Gawaarida Orodka Ee dalka Ghana Lagu Qabtay ayna Maalgalisid Tartankaasi Shirkad Germany ahayd  xasan Abshir Faarax Waxa uu ku Guuleystay Daroowalka ugu qaalisan Africa .

1963 Kadibna Dowladdii Rayidka ayaa ku Dartay  Ciidanka Xoogga oo Tababar loogu Diray Dalka Talyaaniga.

1967 Xasan Abshir Waxaa loo badalay Taliska Ciidanka Qeybta Beledweyne halkaasi abtigiis oo ahaa barasaabkii beledweyne ayuu Xoghaye u ahaa muddo sanad .

1967 ayaa uu noqday Madaxa Canshuuraadka Gobolka Banaadir .

1971 Waxaa loo magacaabay Mayor gudoomiye kuxigeenkii gobolka Banaadir .

1973 ilaa 1978 waxaa loo magacaabay Duqqa Magaalada Muqdisho isagoona ahaa Mayorkii ugu Da’da Yaraa Soomaaliya Waxaa Xasan Abshir Faarax lagu Xasuustaa bilicdii Caasimadda iyo Mashruucii Dhismaha iyo maalgalinta Guryaha Carshaanta Fiyaalaha saaran in la Dayactiro iyo NGO gii Nadaafadda Gobolka Banaadir .

Xasan Abshir Faarax Waa ninkii Keenay

Olalihii ” Iskaa wax u qabso “

 Volunteer in lagu Shaqeeyo Laguna Nadiifiyo Caasimadda 

Xasan Abshir Faarax Waa ninkii Soo dhameeyey dhismihii Masaajidka isbahaysiga 1974 .

Sanadkii 1978 ayaa xilkii laga Qaaday xilli Jabhaddii SSDF la dhisay Siyaad Barrena uu ku kacay Masuul Walbo oo beesha Majeerteen ahaa oo xil ka hayey Dowladdii Kacaanka .

1983 xilli Siyaad Barre iyo shacabka Gobolka Banaadir ay ka maarmi waayeen xasan Abshir Kadib Siyaad Barre dib ayuu u magaacabay Duqqa Magaalada Muqdisho .

1986 Xasan Abshir iyo Siyaad Barre Ayaa Shil Gaari  wada galeen Xilli ay Safar dhulka Ku Jireen 

1987 waxaa loo magacaabay Safiirka soomaaliya u fadhiyo Dalka Germany .

1998 Xasan Abshir Faarax Ayaa ahaa Aas’aasayaashii Dowladda Puntland  .

1998 ayaa Loo magacaabay Waziirka Arimaha Gudaha Dowladda Puntland.

2000 ilaa 2001 Dowladdii Carte ee Jabuuti lagu Soo dhisay oo uu Madaxweynaha ka ahaa cabdi Qaasim salaad Waxaa Xasan Abshir Faarax loo Magacaabay Raiisul Wazaaraha Dalkeena Soomaaliya .

2006 ilaa 2007 Dowladdii Madaxweyne  c/laahi Yuusuf Waxaa xasan Abshir Faarax Loo Magacaabay Waziirkii Howlaha Guud Aakhirna Waziirka kaluumeysiga .

Xasan Abshir Faarax Waxa uu 12 sano Ahaa Xildhibaan Dowladda Federaalka ka Tirsan Xubnaha Dowladda Puntland ku Matalo .