Aqoonyahan Maxamuud Cabdi Cismaan oo soo saaray Tiro Sanadeedka(Calendar) ugu horeeyay oo Af-Soomaali ku qoran.

Aqoonyahan Maxamuud Cabdi Cismaan ayaa soo saaray Tiro sanadeedka (Calendar)oo ugu horeeyay ee ku qoran Af-Soomaali ,Calanderka ay ku qoranyihiin 12-ka Bil ee sanadka ayaa ah tiro sax ah luguna sameeyey baaris Cilmiyeesan aad u qoto dheer .

Maxamuud ayaa sheegay in Tiro sanadeedka(Calendar) soomaalida u yahay mid laga istacmaalo dhamaan Dhulka Soomaalida ee ku nooshahay haba ugu badnadeene dadka reer miyiga sida Beeraleeyda Xoolo dhaqadada iyo kalluumeysatada Soomaaliyeed lakiin nasiib xumo dowladihii dalka soo maray ee ku fishilmeen ineey Af-Soomaali ku qoraan.

Aqoonyaan Maxmmuud Ayaa ka codsaday Hay’adaha dowlada soomaaliya ineey istacmalaan Tiro sanadeedka (Calendar)Af-Soomaaliga ku qoran eeyna iska joojiyaan ineey istacmalaan Tiro sanadeedka (Calendar)  Qalaad.

Sidoo kale waxuu shacabka soomaaliyeed ugu baqay ineey istcmaalan Tiro sanadeedka Af-Soomaaliga ku qoran madaama uu yahay mid sax ah baaris cilmeeysan lugu sameeyey waliba istacmaalkiisa u aad u sahlanyahay .

Halkaan Hoos ka daawo Wareesi u siyey Telefishinka Qaranka.

Xaquuqda Muqaalka:SNTV

HimiloTv Isha Wararka