Arday iyo askar,ajaanib Turki ah iyo dad kale oo ku dhintay qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Wararka dheeri ah oo ka soo baxayo qaraxa ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegayo inee ku dhinteen in ka badan 100 qof iyo 90 ruux oo dhawac ah .

Dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa arday jaamacada banaadir oo la socday gaari Bus- ah iyo kuwa kale oo qaraxa la kulmay.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askar iyo labo Injineer oo Turki ah kuwaas oo la socday gaari nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi.

Duqa gobalka Baandir Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo tagay goobta ayaa sheegay in dhimashada ay aad u badan tahay, isagoo intaa ku daray in dhaawaca loo soo sheegay inay gaarayaan 90 ruux.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa aheyd meel aad u mashquul ah oo gaadiid fara badan ku kala wareegaan, waxaana qaraxa xajmigiisa ahaa mid laga wada maqlay Moqdisho.