Muqaal lugu bahiyey baraha bulshada ayaa lugu arkayey askri booliis ah oo nin modow ah qoorta kaga tagan .
Ninka modowga ahaa ku qeylinayey “
I can’t Breathe “oo ah ma neefsan karo
dad goob joogyaal ah ayaa askariga u sheegayey in dhibanaha usan naafsan karin lakiin askariga ayaa ku sii cadaadiyey jilibka ilaa uu ka meer doorsamo .
Ninka modowga ayaa magaciisa lugu sheegay George Floyd da’diisana eheed 46 jir waxuu ka shaqeyn maqaaxi oo (security) waardiyo ahaa.
Ugu danbeytii George Floyd ayaa ku geeriyoday isbitaalka ka dib markii jog culus ka soo gaartay dhinca madaxa .
Muqaalkan ayaa aad ugu caroodeeyn bulshada modowg ah ee mareykanka ku nool iyagoo banaanbax weyn ka dhigay halka falka uu ka dhacay .

Wararka ayaa intaa ku daraayo in Afar ka mid ah Askarta Falkaas lugu edeyey in shaqada laga ruqsiyey ,FBI ee baritaan ku heyso falkaas murugada ku reebay dadka madowga ah .