Askari u diley wiil dhalanyaro ah shan kun oo Shillin Somali magaalada Jowhar

Wararka aynu ka heleyno magaalada jowhar xarunta maamul gobaleedka HirShabeelle ayaa sheegayo askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle uu will ka Ganacsado kuluunka u diley Shan Kun oo Shilin Soomaali ah.

Dilka wiilka ayaa yimid, kadib markii Askariga uu weeydiistay in uu bixiyo lacagta wiilka oo Suuqa Jowhar ku iibinayey kaluun, hayeeshee uu sheegay in uu hadda heyn balse xabad uu ku dhuftay, sida uu sheegay qof goob joog u ahaa marka uu falka dhacayey .

Askariga dilka geystey ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay, ilaa iyo hadan wax war ah kama soo baxin ciidamada ku shaqo leh amniga magaalada jowhar iyo maamulka hir-shabeele .

Wiilka dilka loo geystay ayaa magaciisa lugu sheegay Yaasiin Muxumad  Maxaad oo 33 jir ah waxaa waxaa xusid mudan in wiil la dhashay sanadkii hore uu diley mid ka mid ah ciidamada milatariga xaafada Horseed ee magaalada Jowhar .