Iska hor-imaad u dhaxeeyey ciidamada Jubaland iyo kuwa siyaasi Cabdi Naasir Seeraar, oo sheegtta inuu yahay madaxweynaha Jubaland, ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkan uu yimid kadib markii taageerayaasha Cabdi Naasir Seeraar ay billaabeen banaanbax ka han ah Axmed Madoobe, hayeeshee uu rasaas ku ridey askari ka tirsan Ciidamada Jubaland, oo doonayey inuu dibad-baxa joojiyo.
Bannaanbaxayaasha oo haween u badnaa ayaa ku qaylinayay hal kudhigyo liddi ku ah Maamulka Jubbaland, taasoo aad mooddo in lagu diidan yahay kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto.
Iska horimaadkan oo muddo 40 daqiiqo ka socday xaafadda Farjano ayaan ku fidin qaybaha kale ee Magaalada Kismaayo.
Ugu danbeyntii bannaanbaxan lagu hakiyay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay abaabulkeedu laheyd Dowladda Federaalka.