Banaanbaxyo lugu soo horjeedo FARMAAJO oo ka socodo Muqdisho

banaanbax

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa taayaro ku gubay bartamaha Isgoyska, iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihiin, Muddo ororsi doonimeyo Farmajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno.

Ciidamo milateri ah kuna hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka soo baxay furimaha dagaalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku sugan Isgoyska kuwaasoo la sheegay inay sugayaan ammaanka dadka banaanbaxaya.

Waxaa istaagay dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee isticmaala Isgoyska Fagax oo halbowle u ah isku xirka Ex Koontarool Balcad iyo Sanca.