Beesha Baadicadde oo sameeysay Banaanbax luga tageereyo maamulka cusub ee hirshabeelle ka oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan

Beesha Baadicadde

Boqolaal kamid ah dadka ku nool degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan ayaa waxaa ay banaanbaxa ka dhigeen xaafadaha kala duwan ee degamdaasi ,banaanbax ayaa lugu tagreeyay maamulka cusub ee u hogaamiyo madaxweyne Cali Guudlawe waxaa ka soo qeybka kalay dhaman waxgaradka odayaasha iyo dhalanyarada,haweenka ka soo jeeda degaankas .

Dadka isku soo baxay mudahaaradkaas ayaa waxa ay wateen  boorar lagu tageeraayo mudane Guudlawe, hadalada dadku ay ku hadlayeen waxaa ka mid ahaa:  “Guudlawe Soo Dhawoow ” iyo erayo la mid ah.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxayay oo ey la hadleen HimiloTV ayaa sheegey inay Bulshada reer Hiiraan u baahan yihiin Nabad ku noolaasho, isla markaana aysan dan ugu jirin qalaaf amni darro iyo dib u dhac .

Odoyaasha dhaqanka ee ka ka soo jeedada degmada Jalalqsi oo banaanbaxa ka qeyb-galay ayaa Bulshada waxaa ay ugu baaqeen inay Ciidamada dowladada iyo kuwa hiirashabeelle kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

HimiloTv Isha Wararka