Beesha Caalamka oo Farmaajo ku Qasabtay in u qabto shir u isugu yeerayo Dowlad Goboleedyada

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xasaasi ah u la yeeshay wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya,xubnaha uu madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ah ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, safiirka Mareykanka Donald Yamamoto, safiirka UK ee xilka kasii degaya Ben Fender, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransisco Madeira, iyo safiirada dalalka kale.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay HimiloTV ka heshay madaxtooyada ayaa sheegaya in beesha caalamka ee Frmaajo ku cadaaddiyaan inuu aqbalo shir uu la yeesho madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kadib la kulankii Beesha Caalamka.

Noqol ka soo baxay Villa Somaliya ayaa lugu yire sida tan

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

HimiloTV Isha Wararka!