Shir ee isku yimadeen Xildhibaano iyo wasiiro ,odayaal dhaqameed ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa diraadda lugu saraay isbadalka ka socoto maamulka Hirshabeelle iyo aayaha Mustaqbalka beesha .
Shirka ayaa hadalo ka soo jeediyeen siyaasiinta beesha iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Fedaralka Soomaaliya ee ku madalo beesha Xawaadle,waxeeyna sheegeen in ee aad ugu soo horjedaan sida ee beesha cadaala darada iyo sad bursiga lugula kacay waxeena Eed dusha ugu tuureyn madaxwynaha dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raisul wasaaraha cusub Rooble.
Waxeyna ku baqeeyn in eeysan ka qeyb kalin doonin xulista barlamaanka maamulka Hirshabeelle ee hadan si habsami ah ugu socoto caasimada maamulkaas ee Jowhar.
Sidoo kale war lugu kalsoonyahay HimiloTv heshay ayaa sheegayo in Siyaasiyiin ka soo jeeda beesh Xawaadle iney ka wadan olale siyaasadeeda magaalada Muqdisho ka ee ku doonayaan iney ku soo xulaan xildhibaanada beesha ku matali lahaa Maamulka hirshabeelle,siyaasiyintas waxaa laga xusi karaa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax oo labadooda ka soo jeedan beesha.
Ugu danbeentii waxaa magaalada muqdisho oo ah caasimada dalka soomaaliya aad ugu soo badanayaan maalmihii ugu danbeyey shirar beleedyo si isdaba jooga ah ugu dhacaayo hoteelada magaalada muqdisho ,shararkaas ah ka soo baxaan baaqyo iyo horin coladeed oo laga yaabo in eey sababaan dagaalo beeleedyo iyo amni xumo .
HimiloTV Isha Wararka