C/raxmaan C/shakuur oo dowlada ku eedeeyay iney fara kalin ku sameeysay khudbad uu u jeedin lahaa ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Maleysia.

Godoomiyaha Xisbiga mucaaradka Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iney fara gelisay khudbad uu u jeedin lahaa ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Maleysia.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in safaarada dowlada Somalia ku leedahay Kuala Lumpur ay warqad u qortay dowlada Maleysia ayna ka dalbatay in isaga laga joojiyo kulan uu kaga qeyb lahaa dalkaas oo uu habeen hore gaaray, waxaana warqada ku qornaa inaan ahay dembiile diinta u gefay oo baaritaan uu ku socdo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dowlada soomaaliya uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo is hor istaag ku sameeyso siyaasiyiin ka aragti duwan.