Warka naga soo garaayo magaalada Moqdisho ayaa sheegayo in Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee caawa ku dileen wiil iyo gabar walaalo ah kadib markii ay rasaas ku fureen mooto bajaaj ay saarnaayeen.
Falkaan naxdinta leh ayaa waxuu ka dhacay isgoyska Dabka, ayaa waxaa ku dhintay Allah ha u naxariistee Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge.
Ma cadda illaa iyo hadda sababta ay ciidamada dowladda federaalka u rasaaseeyeen mootada ay saarnaayeen walaalahan, hase yeeshee waxaa marar badan dhacda in ciidanka dowladda ay rasaas macno darro ah iska furaan ama ay isku dayaan inay ku furtaan waddooyinka marka cariiri jiro (jam )uu jiro.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Zakariye iyo Sowdo ay ka yimaadeen dhanka Isbitalka Yardameli una socdeen in ay casho usoo iibiyaan gabar ugu foolaneysay isbitalka Yardameli, oo aan faah-faahin laga bixin.
Weli wax faah-faahin ah lagama hayo askarigii furay rasaasta, waxaana markii ugu war dambeysay ay goobjoogeyaal sheegeen in isaga iyo ciidankii la socday ay gaarigii ay wateen uga tageen isgoyska dabka.
dhacdadaan ayaa ku soo beegmeeysoo iyadoo shalay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ee ku dhinteen Shan wiil oo walaalo ah oo uu hoobiye haleelay iyaga oo hurda .