Ciidamo u abaabulan qaab beeleed oo daagaal ku dhaxmary Moqdisho

Dagaal saacado qaaty oo u dhaxeyey ciidamo ka wada tirsan dawladda Soomaaliya balse u hubaysnaa qaab beeleed ayaa maanta ku dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada dagaalamaya ayaa hubka nuucyadiisa kala duwan isku adeegsanaya, wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo dhul sharci daro ah ay labada dhinac isku haystaan.

Waxaa dagaalkan ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhawac leh ,laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayana wali ku guuleesan in ay joojiyaan dagaalka socda.

Dhulka ay isku hestaan labadan meleshiyo beeleed oo ah mid ay dowlada leedahay ayaa marar badan waxaa ku dhashay dagaal khasaaro badan ka soo gaaro dadka rayidka ah , waxaa sidoo kale Muqdisho qeybo kamid ah ka dhaca dagaal salka ku haya dhul la isku heesto.