Xeer-beegti ayaa sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah.
Floyd ayaa sannadki hore u dhintay neef-xiran, kaddib marki uu muddo 9 daqiiqo ah uu surka jilibkiisa ugu taakeeyay Derek Chauvin oo markaasi ahaa askari ku jira waajibaadkiisi shaqo.
Muuqaalkii laga duubay dhacdada ayaa kiciyay, mudaaharaadyo ruxay Ameerica lagana dareemay inta badan caalamka.
Waa marki ugu horreysay taariikhda gobolka Minnesota oo ay maxkamadi danbi ku hesho askari hore oo caddaan ah, oo loo heysto dilka qof madow.
Ninkaas ayaana xabsiga lagu hayn doonaa tan iyo inta la xukumayo waxaana suurta-gal in tobonaan sano uu xabsiga ku sii jiro.