“Dolwlad Soomaalia waxey tageertaa Xasan Daahir Aways oo ah argagixiye dilay kumanaan qof” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Gudoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa twitterka so dhigay qoraal ka u ku eedeeyey dowladda Soomaaliya in ey tageerto Xasan Dahir Aways Waxuuna yiri “Xasan Daahir Aways oo ah argagixiiye dilay kumanaan qof ey u ogolaatay inuu ku baaqo “Dilkeyga”, Miyaanan caddayn in dowladda ay la shaqeyneyso argagixiso.

Xasan Daahir Aweys ayaa ka jawaabayey hadal Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka jeediyey dalka Jarmalka, kaasi oo culimada qaar ay ku macneeyeen inuu ku beeniyey xadiis saxiix ah, inkasta oo Cabdiraxmaan uu beeniyey.

Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kaga jiraa xabsi guri ay ku ilaaliso dowladda Soomaaliya
waxuuna inta badan soo dhigaa baraha bulshada muqaalo ka hadlayo xaaladda markaas ka taagan dalka.