Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in berri oo ah Maalin Arbaco ah aysan ahayn maalin ciid ah oo la kaamilayo bisha Ramadaan maadaama aan la arag Bisha Shawaal.
Dhinaca kalena ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in maalinta berrito ee 12-ka May ay tahay Ciid Al-Fitri. Al-Shabaab waxay sheegtay in siddeed qof oo kala jooga gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay arkeen bisha.