Duubabka Dhaqanka Hiiraan oo Bayaan ka soo saaray dhismaha Golayaasha Deegaanka

Kulan ay maanta magaalada muqdisho ay ku yeesheen intabadan duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray bayaan digniin ah oo ku aadan dhismaha Golayaasha deegaan oo la doonaayo in qaar ka mid ah degmooyinka Hiiraan loo dhiso xilli ay jirto ammaan darro degmooyinka oo go’doonsan iyo beelaha oo aan weli si rasmi ah ugu heshiin dhibaatooyinkii dhex maray.

“Annaga oo ah Duubabka Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ee magacyadoodu ku saxiixan yihiin halkan waxa aan maalmihii la soo dhaafay shirar is-daba-joog ah ku lahayn Magaalada Muqdisho, annaga oo kaga hadlaynay xaaladda gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaa si gaar ah u dul-istaagnay”

Annaga oo tixgelinay dhammaan arrrimahan ayaa waxa aan ku talinaynaa.

  1. In dib-u-heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo qaarkood ay dhexmareen Dagaal-Sukeeyo welina ay jirto kala-fikir-duwanaansho keenta colaad soo noqnoqota.
  2. In Dawladda Federaalka ay gacan ka geysato hanaan dib-u-heshiisiineed oo loo qabto reer Hiiraan, taas oo aasaas u noqon doonta horumar ka hana-qaada gobolka.
  3. In maadaama xilligaan aysan suurtagal ahayn in Golo deegaan loo dhiso Degmooyinka Gobolka Hiiraan oo u baahan marka hore in laga shaqeeyo ammaanka iyo sidii go’doonka looga saari lahaa degmooyinka.
  4. In Hey’adaha Maxaliga iyo kuwo caalamiga ah ee ku howlan dhismaha sida Center for Research and Dialogue (CRD), Finish Church Aid (FCA), Somali Stability Fund (SSF), iyo hay’adaha kale ee maxaliga ah ee la shaqeeya ay ka fogaadaan inay colaad ay ka dhex abuuraan beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo marka hore u baahan in dhexdooda ay heshiiyaan.
  5. In Dawladda Federaalka mashaariic gaar ah u sameyso gobolka oo ka haray Soomaaliya inteeda kale, kuwaas oo wax looga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha gobolka sida biya-xireennada wabiga, jidadka, garoomada, iwm.
  6. In xildhibaannada labada aqal baarlamaanka JFS iyo Xubnaha Golaha Wasiirraha heer federal ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan in ay arrintan soo faragaliyaan si degdeg ahna u joojiyaan.

Magaca Duubka Beesha Saxiixa

  1. Wabar Maxamed Wabar Axmed( Baada-cadde)
  2. Ugaas C/raxman Ugaas C/llaahi (Gaaljecel)
  3. Ugaas C/xakiin Ugaas Maxamed (Baajamaal)
  4. Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ujeejeen
  5. Ugaas C/naasir Ugaas Nuur (Jidle)
    6.Ugaas Cali Ugaas Xasan. Makanne
  6. Caaqil Maxamed Maxamuud (Deefoow) (Surre)
  7. Wakiil Wabar Cismaan Shiikh Xasan. (Jajeele)
  8. Wakiil Wabar Cabdi Xuseen (Dagoodi)
Kulanka doobabka
Kulanka doobabka