Faarax C/qaadir “Waxey ahayd inaan xabsiyada ka soo saarno haddeey jirto cid sida wariye “Gurbiye” karti u leh”

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa codkiisa ku biiray baaqyada lagu dalbanayo sii deynta Wariye C/casiis Gurbiye oo ahaa Agaasime kuxigeenka Goobjoog, kaasoo Ciidamada Booliska ay ku xireen Saldhigga Booliska degmada Hodan

Faarax C/qaadir ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xarigga wariye Gurbiye, isagoo xusay inuu qeyb weyn ka ahaa ololaha wacyigelinta cudurka Koronaha.

Waxaan ka xumahay in la xiro xilligaan Wariye “Gurbiye” oo qayb weyn ka ahaa ololaha wacyigelinta cudurka Koronaha. Waxayna ahayd inaan xabsiyada ka soo saarno haddeey jirto cid sida “Gurbiye” karti u leh inay ka qayb qaadato hakinta halista cudur kan”

Wali ma arag eedeynta lagu haysto wariyaha, waxaanse ogahay inay la taliyaal, safiirro iyo saaxiibbada Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre ay ka mid yihiin kuwo aflagaaddo iyo anshax xumo kula kacay madaxweynayaashii ka horreeyay, ayna muuqato in maqaamkaas abaal marin loogu siiyay afxumadii iyo xushma darradii ay u gaysan jireen madaxdii hore.

Waxaa aad isa soo taraayo eedeymaha loo soo jeedinayo madaxda dowlada ee ugu horeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Kheyre oo ku saabsan xariga iyo caga jugleenta ee u geystaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ka howl kala kudaha dalka iyo dibada .