Gantaalkii Shiinaha ee fakaday oo saacadaha soo socda dhulka soo gaaraya halkuu ku wajahan yahay

china

Qeybo ka mid ah haraadiga gantaalkii uu Shinaha hawada sare u diray ayaa waxaa lagu wadaa in uu dhulka ku soo dhaco saacadaha soo socda, sida ay sheegen khubarada ku raadjooga.

Gantaalkan oo la ganay toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayaa lagu wadaa in uu dhulka ku soo dhaco maanta galinka dambe ama subaxa Axadda, sida ay sheegtay xarunta hawada sare ee cilmi-baarida iyo hormarinta ee Mareykanka .

Halkee u ku wajahan yahay

Laanta hawada saree ee Mareykanka ayaa “saadaashoodii ugu dambeysay” waxay sheegeen in laga yaabo in haraadiga gantaalkan u ku soo dhaco jasiiradda waqooyiga ee dalka New Zealand,.

Balse waxay sidoo kale sheegeen in ay suuragal tahay in uu ku dhaco meelo kale oo aan New Zealand ahayn.

Halis intee la eg ayuu geysan karaa

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa jimcihii sheegtay in inta badan haraadiga gantaalkan uu guban doono islamarkana ay aad u yartahay suurtagalnimada in uu waxyeelo geysto marka uu soo dhaco.