Aviation Administration
Hayada hawada sare ee dalka Mareykanka (FAA) ayaa joojisay dhamaan diyaarada Mareykanka ineey istacmalaa hawada sare dalalka Iran iyo Iraq iyo Badaha Persian Gulf iyo Gulf Oman
Hayada ayaa arinkaan ku micneeysay dhaqdhaqaayo milatari oo ka jira wadamadaas sidaas owgeed ee joojiyeen dhamaan diyaaradaha Mareykanka ineey istacmaalaan .
Arinkaan ayaa ku soo beegmayo ka dib markii Iran ayaa gantaallo ku garaacday saldhigga militari ee Ain al-Assad ee ciidamada Mareykanka ay ka degan yihiin dalka Iraq iyo saldhig kale oo ku yaalla Erbil.