Waraka laga helaayo dalka Afghanistan, ayaa sheegaya in madaxweyne Ashraf Ghani uu ka tagay dalka, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dalka Afghanistaan. Arintan ayaa imaaneysa kadib markii ay Taalibaanku galeen caasimadda dalkaas ee Kabul.
Halkee bu maxdaweynaha u baxsaday?
Ma cadda ilaa iyo imika halka u aaday, balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu ku sii jeedo dalka Tajikistan.
Sidoo Kale Madaxwayna ku xigeenka dalka Afqaanistaan Amrullah Saleh ayay wararku sheegayaan in uu dalka ka cararay.
Dagaalamayaasha Daalibaan oo gudaha u galay Madaxtooyada dalkaAfghanistan ee Kabul
Dagaalyahanada Daalibaan ayaa gudaha u galay xarunta madaxtooyada Afghanistan saacado kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.

Hoggaanka kooxda, oo ay ku hareereeysan yihiin tobanaan dagaalyahanno hubaysan ah ayaa warbaahinta kala hadlay kursiga awoodda ee dalka.
Dhanka kale, afhayeen u hadlay Daalibaan ayaa sheegay kuwa la shaqeeyay dowladda iyo milateriga oo ay reer galbeedku taageeraan la cafinayo.