Haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga ee afduubka loogu haystay Soomaaliya ayaa ka degtay magaalada Roma ee dalkeeda, markii laga dhoofiyey magaalada Muqdisho.
Silvia Romano ayuu shaaciyey Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga Guisseppe Conte in la xoreeyay, isagoo u mahadceliyay Sirdoonka Talyaaniga ee dalka Talyaaniga, mana jirto faahfaahin kale oo laga bixiyey howogalka ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo kuwo caalami ah iska kaashadeen.
Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Silvia kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ciampino ee magaalada Roma, halkaasi oo ay cago dhigatay diyaaraddii ka qaaday magaalada muqdisho.
“Nasiib wanaag, jir ahaan iyo maskax ahaan waan wanaagsanahay. Aad ayaan u faraxsanahay, kadib wax badan waa ay wanaagsan tahay inaan soo laabtay,” ayey tiri Silvia.
Xog hoose ee HimiloTv heshay ayaa sheegayo in Silvia in muddo ka shaqeynaysay Hay’adda Sirdoonka Dibedda iyo Amniga Talyaaniga ee loo soo gaabiyo Aise, ayaga oo ay kala shaqeeyeen kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.

