Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha (Human Rights Watch)ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan caddaalad la hor keeno

abdirashiid janan amnesty international

Hay’adda Amnesty International qoraal ka soo baxay ayaa lugu sheegay in Cabdirashiid Janan hadan ku jiro gacanta dowladda federaalka Soomaaliya loo bahanyahay in caddaalad la waafajiyo lagulana xisaabtamo dhammaan eedeymaha ku aaddan xadgudubyada bani’aadannimo ee ka dhacay Gedo. Dhibaneyaasha iyo qoysaskii ay dhibaatada gaartay waxay mudan yihiin inay caddaalad helaan ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya 28-kii bishii January shaacisay in uu Cabdirashiid Janan ka baxsaday xabsi ah ku hayeen, waxaa jirtay colaad u dhaxeysay isaga iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha (Human Rights Watch) ayaa bishii March ee sanadkii hore soo saartay warbixin ay diiradda ku saareyso su’aalo badan oo ku gadaaman baxsashada Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, oo loo yaqaanno “Cabdirashiid Janan”.