Heesaa u dhashay dalka Mareykanka oo lugu magcaabo AKON ayaa dalka Senegal ka dhisaayo magaalada ugu qorxoon Qaarada Afrika(Sawirro)

Akon City

Heesaagan oo lugu magaacabo Akon kuna caan baxay heesaha rapka ee aadka lugu jecelyahay dhageesigooda Dalka mareykanga ayaa bilaabay mashruuc uu ku dhisaayo magaalada ugu bilicada wanaagsan qaarada Africa magaaladaan ayaa lugu magacaabaa Akon City.

Akon ayaa warbaahinta dalk Senegal la hadlay kana war bixiyey halkuu u mashruuca u maraayo waxuun asheegay in la bilaabay dhagax dhiga mashurucan waxaana laga dhisi doonaa meel xeeb ah una jirto caasiamda Dalka Senegal Dakar 96 km waxaana ku baxaayo aduun dhan 6 Biliyan oo doolarka Mareylanka .

Akon City ayaa waxaa loo dhisayaa si casri ah waxeeyna lahaan doontaa Jaamacaddo ,isbitaalo ,Hoteelo,iyo Studio(sharkada Filimada)ee lugu sameeyo Aflaanta Afrikanka ah.

Heesaagaan oo hormar aad u weyn ka gaaray dhinaca heesaha ayaa ah heesaaa ee aad ugu weyntahay Afrikanimada sidoo kale waxuu u ololeeya Dadka madow ee ku nool dalka Mareykanka waxuuna dadka Madow ku booriyaa iney ku soo laabtaan Qaarada Africa eeyna meel gashadaan madaama ee asal ahaan ka soo jeedaan qaarada Afrika .

Akon oo asal ahaa ka soo jeeda qaarada Africa gaar ahaan Dalka Senegal ayaa waxuu badanaa nolashiisa ku soo qaatay dalka Senegal .