Hooyo Soomaaliyeed oo ku eedeeysay in ciidamada Madaxdooyada afduubteen gabadheeda

Hooyo soomaliyeed oo magaceeda ku sheegtay Amaran ayaa la hadshay mid ka mid ah warbaahinta ka hool kasha magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay in gabadh ee dhashay ee xoog ku heystaan xubno ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Hooyo Amran waxa ay sheegtay in gabadheedu aysan qaan gaarin dhawaan laga keenay dalka dibaddisa, isla markaana iyadoo dugsi ka dhiganeysa magaalada ay wadeen gabdho kale, kuwaas oo ay sheegtay inay u geeyeen ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay in labo nin oo mid sarkaal yahay kana tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ay u soo direen fariimo ay uga dalbanayaan lacag madax furasho ah si loogu sii daayo gabadhooda.

Amran iyo hooyadeed oo xirnaa Indha-shareer ayaa ku sheegtay in sarkaalka ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada uu ugu hanjabay dil hadii arintaas ay warbaahinta la hadlaan.