In ka badan 30 ka mid ah gobollada Mareykanka oo codsaday Qaxooti

Tirada gobollada mareykanka ee Ku wargelinayya State Departmentiga dalka in ay soo dhaweeynayaan qaxootiga ayaa kordhayya.

In kabadan 30 Gudoomiyaal gobol ee isugu jira labada xisbi ayaa udiray Wasiirka arimaha dibada Mr:Mike Pampeo waraaqo ay ku codsanayaan in qaxooti loo keeno.

Waxay sheegeen in ay diyaar uyihiin soo dhaweenta iyo dib u dajinta dadka qaxootiga ah.

Gobollada ay Soomaalida kubadantahay sida Minnesota,Ohio iyo Washington ayaa ka kamid ah liiska gobalada doonayo in qaxoti loo ogolaado.

Tillabadan ayaa waxay imaaneysaa kadib markii madaxweyne Trump uu sanadkii lasoo dhaafay Septemper uu soo saaray wareegto lagu amray inta aan qaxooti lageyn in fasax laga helo magaalooyinka iyo gobollada dalka.

Dowladda Federaalkana waxay uqabatay inay soo gudbistaan codsi kama dambeys 21 Janaayo sandkan .

Waxaa xusid mudan ilaa iyo hadda majirdo magaalo ama gobol diiday in qaxooti lageeyo.

Waxaa hoos udhacay tirada lambarka qaxootiga Imaan jiray dalka tan iyo markii uu Trump lawareegay xukunka.

18’000 kun oo qof kaliya ayaa loo ogalaaday inay yimaadaan sanadka 2018 ilaa 2019 halka sanadkii udambeeyay xilligee Obama ay yimaadeen 85’000 kun oo qaxooti ah sida ay baahisay wakaalada wararka Associate Press.

Bilaha soo socda ayaa la ogaan doonaa in siyaasada arimaha qaxootiga ay wax iska bedli doonaan iyo in kale.