Jaaliyada ku Nool Wadanka Ingiriiska oo aad ugu walaacsan Shirciga dabarucaada xubnaha(Organ Donor)

Jaaliyada ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa aad ugu walaacsan sharciga Max’s Law Dabarucaada Xubnaha (Organ Donor ) dhawaan barlamaanka Uk oo meel mariyey ka dib marki aad u bateen dadka u dhimaaanyo iyagoo u bahan in xubno lugu dabaruco.

Sidee bu ahaa Shirciga Dabarucaada Xubnaha (Organ Donor ) Sandkii 2019

Shircigan ayaa ah mid xubnaha bil’aadanka lagala baxi karo hadii qofka ku yimaado xaalada shil ah waxaa qasab ah in Isbitaalka ee ka helaan ogolaansho qofka bukaanka ah Ehelkiisa.

Hadaba qofkii ku nool wadanka Uk waxuu xaq u leeyahay inuu iska diido ma uu ogolaado in xubnihiisa lagala bixi karo hadii xaalad shil ah ku timaado
Qof waxuu laga rabaa inuu buuxiyo foom ka uu ka hali karo (Halkan )

Xubnaha loo bahanyahay

Shirciga dabarucaada xubnaha (Organ Donor ) dalka UK Maxaa iska badalay sandkan 2020

Sharcigaan dabarucaada xubnaha ee sandkan 2020 ayaa ah qof waliba oo ku nool wadanka UK waxaa QASAB AH In uu iska diwaan galiyo Onlinka rugta (NHS) ee ku leyihiin internetka .

Maxaa tahay sababta walwelka ku dhaliyey jaaliyada soomaalida ee ku sabsan shircigan .

Waxaa xusid mudan in dalka UK yahay dal dadkiisu aad u badanyihiin waxaa ku nool dad kala duwan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba hadii anu eegno soomaalida dalkas ku nool waxaa jiro soomaali dalkas ku cusub iyo kuwo luuqada in laga caawiyo u bahan iyo dad wayeelo ah iyo dad xanuunsan oo aan istacmaalin internetka oo laga yaabo ineeysan helin warbixin dheeri ah oo ku sabsan is badalka shircigan,hadaba maxaa ku dhici karo hadii eysan buuxin foomka ilaa Juun 2020.

Sharcigaan ayaa ah mid loo qabtay xili xadidan (Juun 2020) oo micnaheeda yahay hadii aadan buuxin foomka ilaa bisha Juun 2020 in Dowlada ee u qadaneyso inaad RAALI ka tahay in xibnahaaga lagala bixi karo hadii xaalad shil kugu timaado taa oo ah mid walaac weyn ku abuurtay jaaliyada soomaalida ee ku nool dalka UK .

Maxee ku kala duwanyahiin shircigan Dalka ingiriiska iyo Dalka Mareykanka

Hadii aynu eegno dalka Mareykanka shircigan duburucaada xubnaha waa sharci ka jiro dabcan qof waliba oo ku nooq mareykan waxuu xaq u leyhay inuu iska diido ama uu yeelo in xubnihiisa dabaruco lakiin waxeey ku kala duwanyiin Mareykanka iyo ingiriiska waa habka ama nadaamka loo maraayo sharicigan.

Dalka Mareykanka qof waliba oo ku nool waxaa shardhi ah ninuu heysto kaar aqoonsi Sate ID ama Driver license ka oo muhiim ugu ah qofka ku nool Mareykanka sidaa owgeed marka aad codsaneeso Driver license ayaa lugu weydinayaa sual ah inaad tahay qof dabaraco xubihiisa ama inaadan eheen,taa oo ah nadaam aad ugu sahlan qofka maadama eysan jirin waqti xadidan halka dalk UK uu sharcigaan ka yahay mid QASAB AH inaad iska diwaan galiso Onlinka (NHS))hadii aadan iska diwaan galin waxaa lugu arkayaa inaad raali ka tahay in xubnahaaga lagala baxo hadii u shilka kugu yimaado.

Ugu danbeentii sharcigaa ayaa ah mid jaaliyada soomaalida UK nool ku abuurtay welwel madaama dad badan oo soomaali ah ee ka war heenin shircigaan cusub oo ah mid QASAB AH waqti loo qabtay (Juun 2020) habka kaliyah ee aad isku diwaan kalin karto ee tahay Onlinka taa oo ah mid dadka qaar ee ku adag tahay .