Washigton:Saxaafada dalka Mareykanka ayaa maalmahan waxay aad uga hadlayayaan qorshe cusub uu Aqalka Cad kudoonayo in uu sharcigii xayyiraada safarka lacisbooneeyo.
Sidoo kale waxaa lafilyaa liiska wadamada xayyiraada safarka lugu lakordhiyo wadamo kale .
Wadamada hadda kujira liiska ayaa ubadan wadamo Muslim ah oo ay Soomaaliya kamid tahay.
Dadka kasoo horjeeda xayyiradan ayaa u arka in ay tilaabo lagu beegsanaayo wadamada Muslimiinta ku badanyihiin iyo soo galootiga .
Maamulkana Trump ayaa ku doodayo in tillabadan lagu xaqiijinaayo amniga dalaka Mareykanka.
Hay’ada amniga dalka Mareykanka ee loo yaqaano Homeland Security ayaa sheegtay in garoomada dalalka Laga soo dhoofaayo looga baahan yahay shuruud inay soo buuxiyaan kuwa aan soo buuxin lagu dari doono liiska.
Hay’ada waxay Sheegtay in Lix biloodba lagu sameeyo dib u eegis.
Waxaa laleeyahay qorshahan cusub ee liiskan lagu kordhinaayo ay iska kaashanayyan Satate Department ka, Homeland Security iyo Aqalka Cad ,waxaa lafilayya in lashaacin doono 27 bishan taas oo ku beegan maalintii lasoo saaray xayyiraadii ugu horreysay.
Wixii warar ah oo kuso kordha kala soco Himilotv .