Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo qorsheyaal dhowr ah

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu saxiixo dhowr digreeto saacadaha ugu horreeya, marka xilka loo caleema saaro Arbacada soo socota.

Sida uu sheegay ninka uu u xushay inuu noqdo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Biden ayaa amarrada madaxweyne ee uu saxiixi doono Arbacada ay intooda badani noqon doonaan kuwo uu ku burrinayo amarro uu horay saxiixay madaxweyne Donald Trump.

Qorsheyaashaas waxaa kamid ah in Maraykanka uu dib ugu soo celiyo dalalka saxiixay heshiiskii cimilada ee Paris.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu meesha ka saaro xayiraaddii socdaalka ee saarneyd qaar kamid ah dalalka muslimiinta ee uu Trump kusoo rogay dalalkaas, Dalalkaas waxaa ka mid ah Soomaaliya.

Digreetooyinka waxaa ka mid ah kuwa lagu amrayo dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris, iyo inuu waajib ka dhigo in maaska afka lagu daboolo lagu xirto dhamaan xarumaha dowladda federaalka.

20-ka bishaan ayaa lugu wadaa Biden iyo ku xigeenkiisa, haweeneyda la yiraahdo Kamal Harris ayaa la wareegi doonan talada xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka .