Madaxweyne Farmaajo oo safar deg deg ah ugu baxaya Dalka Eritrea

Muqdisho:Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lugu wadaa bari oo Jimco ah inuu safar deg deg ah igu baxo magaalada Asmara ee dalka Eritrea si uu ula kulmo madaxweynaha dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki .

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xiriiro arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka iyo xaalado muddooyinkii u dambeeyay soo kordhay.

Waxaa xusid mudan in xiisad ay ka dhex oogan tahay dowladda Eritrea iyo dowladda Qatar oo aad ay isugu dhow yihiin Villa Somalia, mana cadda sida booqashada madaxweynaha ay tan u saameyn doonto.