Hogaamiyihii hore dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lugu xukumay labo sano oo xabsi ah , mana la geyn doono xabsi caadi ah, balse waxaa lagu hayn doonaa xarun dhaqan-celin.
Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lugu helay in uu galay dembi musuqmaasuq. Kiiskan waxaa xudun u ahaa $25 milyan oo dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday, horraantii sannadkan.
Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sheegay in lacagta ay tahay hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhaxal-sugaha, Amiir Maxamed Bin Salmaan.
“Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.” ayuu yiri garsooraha go’aanka gaaray Al-Sadiq Cabdiraxmaan
Madaxweynihii hore ee Sudan, wuxuu xilka ku qabsaday afgembi dhacay sannadkii 1989-kii, waxaana xilka laga tuuray bishii April ee sannadkan, 2019, ka dib dibadbaxyo dhowr bilood ka socday dalkaas.