Madaxwyne Farmaajo oo magacabay xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka.

Moqdisho:Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Axmed Cali Daahir.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka JFS Mudane Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Garyaqaan Axmed Cali Daahir oo xilka laga qaday ayaa ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaanka u ahaa sharciyaqaanada Soomaaliya ee ku lugta leh kiiska ay Soomaaliya baddeeda uga difaacaneyso Kenya ee horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).