Ciidamada Galeyr waxaa la asaasay sanadkii 2019 ,waxey soo shaac baxeen sannadkii 2020-kii sida u HimiloTv u sheegay mid ka mid ah asaasyasha Xaruntooda ugu weyn waxeey ku taal Degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan .
Ciidamada Galeyr ayaa halkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya. Dagaallada u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Galeyr ayaa badanaa ka dhaca inta u dhaxeeysa degmada Buurweyn iyo degmada jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyo tooloyin hoostago degmada Buulaburde .
Tirada ciidanka

CIIDAMADA GALEYR
Waxaa lagu qiyaasaa illaa 150 ciidan oo si gaar ah u towbaran waxaa la sheegaa taageerada ugu weyn ineey ka helaan saraakiil sarsare iyo askar oo ka mid ah ciidamada dowlada ee ka soo jeeda deegamadaas oo si iskooda isku xil qaamay iyo shaqsiyaad ka soo jeeda deeganadaas oo ka damqaday dhibaatooyinka ee ku hayaa kooxda argagixisada ee Al-Shabaab .
Waxaa maxay ujeedkooda ?
Mid ka mid ah horjoogyaasha ciidankaan ee HimiloTv wareestay ayaa inoo sheegay in ee kasoo horjeedaan in shacabka deeganadaas ay ururka Al Shabaab ka qaadaan canshuuraha baada ah iyo in kooxda ay caruur ciidan u qortaan .
Arigtida Dadka deegaanka
Odeyaasha dhaqanka iyo dhanyarada ee ka soo jeeda deegamadaas oo HimiloTv la hadlay ayaa u sheegay in aysan u dul qaadan doonin dhibaatooyiinka ay ku hayaan kooxda Al-Shabaab isla markaana ay ka mid noqon donaan Ciidama Galeyr si ay isaga difaacaan ururka Al Shabaab .