Kismaayo:Warar aynu ka haleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegayo Maxbuus Cabdirashiid Janan in dekedda Kismaayo ku tegay doon, waxaana kadib lugu gudbiyey madaxtooyada Jubaland oo uu hadda ku sugan yahay.
Janan ayaa jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, islamarkaana marar badan soo bedeshtay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin.
Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, isaga oo jebiyey daaqadda.
Cabdirashiid Janan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga qabtay 31-kii August 2019, xilligaas oo uu hakad ku ahaa, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa.