Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta xubno ka tirsanaa Al-shabaab dil ku xakuntay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta xubno ka tirsanaa Al-shabaab dil ku xakuntay

Maxabiis ka tiraan koooxda Al-Shabaab ayaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku kala xukuntay .

Dadka xukunada lagu ridey oo mid ka mid ah waxa ay tahay dumar iyadoo qaar kalana lagu ridey iyagoo maqan.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Nuur Shuute ayaa dil ku xukumay saddex nin iyo hal qof oo dumar ah Maxkamadda goobjoog ka ahaa, kuwaa oo lagu kala magacaabo .

  • Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase), dil toogasho ah.
  • Saalim Saciid Maxamed (Salmaan) dil toogasho ah.
  • Axmed Maxamed Haashim (Carab) dil toogasho ah.
  • Faadumo Xuseen Cali Cadaawe (Faadumo Korneyl) 15 sano xabsi ah .

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xakuntay
Shan Shabab ah oo maqanayaal ah

  • Sharma’arke Cumar Axmed : Dil toogasho ah.
  • Axmed Faarax Iidle:Dil toogasho ah .
  • C/Raxmaan Sh. Cabdullahi :Dil toogasho ah
  • Ramadaan C/Rixiin Mursal:Dil toogasho ah
  • C/Naasir Axmed C/qaadir :Xabsi daa’in ah

Maxabiistaan ayaa waxaa lagu helay inay ka masuul ahaayeen dilal qorsheysan oo loo gaystay Odayaal dhaqameed ,Saraakiil Militariga iyo Ciidamo Booliska ka tirsanaa iyo dad shacab ah .