Mid ka mid ah askarartii Mareykanka ee lagu dilay Manda Bay oo la shaaciyey

Askari Maraykan ah oo ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay Manda Bay, ee ay qaadday kooxda Al-Shabaab, ayaa la xaqiijiyey geerida askarigaasi.

Saxaafada Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa gobolka Illinois ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabo Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir. Henry Mayfield ayaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka .

Laba kale oo tirsan qandaraaslayaasha Wasaararda Gaashanahdigga Maraykanka ayaa iyagana lagu dilay weerarkaasi kuwaasi oo ana weli la magacaabin, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Kooxda xagjirka ah ee Al-Shababaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu qaaday saldhiggan, oo ay sida wadajir ah u isticmaalayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.