Ninkii dilay fanaan Tupac Shakur oo la soo qabtay 27 sano ka dib

Booliska Mareykanka ee gobolka Nevada ayaa 27 sano kadib soo qabtay ninkii dilay fanaanka ku caan baxay heesaha Rap-ka ee lugu magacaabo Tupac 

Fanaankan ayaa lugu toogtay magaalada Las Vegas, sabdku markuu ahaa 1996dii.

Booliska Mareykanka ee gobolka Nevada ayaa sheegay in ninka falka dilka geestay lugu magacaabo Duane “Keffe D” Davis   waxeena booliska sheegeyn in Duane “Keffe D” Davis oo ka mid ahaa dhowr qof Shakur iyo Asxaabtiisa ay garaaceen Duane “Keffe D” Davis isla maalintii ay toogashada dhacday.

Waa sawirkii ugu danbeyey eey Tupac laga qaday inta aan lugu dhax toogan gaarigiisa .

Duane “Keffe D” Davis  oo hadan ah 60 jir waa ninka kiliyah ee ka nool dadka kiiskaan lala xariirinayey ,waxaa jiray dad ee Booliska sualo laga weydineyey ama la shakisinaa iney dilka fanaanka eey qeyb ka yihiin lakiin dhamantooda m noola ,dhimashoodo waxaa lala xariirinayaa rabshado la xariirta burcadnimo .

Waa ku kuma Tupac

Tupac oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Tupac Amaru Shakur waxaa loo arkaa inuu ahaa fanaankii ugu saamaynta badnaa fanaaniinta qaada heesaha Rap-ka, waxaana la gaday in ka badan 75 malyan oo ah heesihiisa. Shakur ayaa ahaa 25 sano jir markii lagu toogtay jid ku yaal Las Vegas.

Waa Kuma Duane “Keffe D” Davis

 

Duane “Keffe D” Davis  ayaa ka mid ahaa burcad  (gang ) oo lugu magacaabo “the South Side Compton Crips (SSCC).”